MW Xasan Sheekh: Waayihii Al-Shabaab waa soo dhamaadeen

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in waayihii Al-Shabaab soo idlaadeen, wuxuuna ku tilmaamay taariikh aan soo noqod lahayn, isagoo xusay in Jubbaland iyo Koofur galbeed ay qaadi doonaan jidka ay mareen maamullada asaagood ah ee Galmudug iyo Hirshabeelle.

Warar Keydmedia Online
MW Xasan Sheekh: Waayihii Al-Shabaab waa soo dhamaadeen

MUQDISH, Soomaaliya – Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh oo jeediyay khudbad uu uga hadlayo xaaladda dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, barnaamijka deyn cafinta iyo mustaqbalka la hiigsanayo ayaa sheegay in dalku cagta saartay jidkii saxnaa.

MW Xasan oo aad ugu dheeraaday ka hadlidda Al-Shabaab ayaa sheegay in umadda Soomaaliyeed ay u istaageen sidii ay 15 sano kadib uga xoroobi lahaayeen dulleysiga Kooxda xirrika la leh Al-Qaacida, kuwaas oo ku soo aruuray in ay shacabka gaadmo ku dilaan.

Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh wuxuu xaqiijiyay in saaka Ciidamada Dowladdu ku sugan yihiin degmada Aadan Yabaal oo ah degmadii ugu danbeysay ee gacanta Al-Shabaab ku harsaneyd dhammaan degmooyinka Hirshabeelle ama Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Wuxuu ammaan ballaaran u jeediyay doorka il-qabadka leh ee Galmudug iyo Hirshebeelle iyo shacabka ku dhaqan degaannada maamulladaas ka ciyaareen dagaalka Al-Shabaab, kuwaas oo sida uu sheegay laga sifeeyay Hirshabeelle, lagana nadiifin doono Galmudug.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in waayihii Al-Shabaab soo idlaadeen, wuxuuna ku tilmaamay taariikh aan soo noqod lahayn, isagoo xusay in Jubbaland iyo Koofur galbeed ay qaadi doonaan jidka ay mareen maamullada asaagood ah ee Galmudug iyo Hirshabeelle.

Xasan Sheekh wuxuu ballan-qaaday in aan dib looga soo bixi doonin degaannada laga xoreeyay Al-Shabaab, wuxuuna siyaasiyiinta iyo dadka shacabka ahba ugu baaqay in aan Al-Shabaab ogaal la’aan loogu shaqayn lagana fogaado hadallada iyaga dani ugu jirto.

“Al-Shabaab waa taariikh waayahoodii waa dhamaaday, waxaa na hor taalla in aan ka fakarno kadib maxaan qabaneynaa, dadka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa in ay u diyaar garoobaan Al-Shabaab kadib sidaan u dhisan lahay dalka”, ayuu yiri MW Xasan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.