Naafo dibadbax ka sameysay Muqdisho

Muqdisho(keydmedia) Dad naafa ah oo dhibaateysan ayaa maanta dibadbax ka dhan ah Hey’adaha samafalka ka dhigay magaalqada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online

Dadkan ayaa isugu soo baxay qeyba ka mid ah degmada wadajir waxayna canbaareynayeen Hey’adaha samafalka ee ka shaqeeya gudaha dalka kuwaa oo ay ku dhaliileen waxqabad la’aan.

Hey’adaha sheegta magaca samafalka dhamaantood ayaa ah kuwa dayac shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan waxaana ay ku andacoodaan hey’adaha amni daro wallow naafadan ay ku dibad baxday degmada wadajir oo aanay ka talin kooxaha dowlada la dagaalama.

 Www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.