Nabadoon caan ah oo lagu dilay Muqdisho

Dilalka iyo qaraxyada ayaa Muqdisho mudooyinkii dambe kusoo badanayay, iyadoo Madaxda ay ku mashquuleen arrimaha siyaasadda iyo doorashadda.

Warar Keydmedia Online
Nabadoon caan ah oo lagu dilay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley hubeysan, oo afka soo duubtey ayaa galabta magaaladda Muqdisho ku dilay Nabadoon Caan ahaa, oo lagu magacaabi jiray Geesey Cismaan Cabdulle.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in labo nin oo bastoolado watey ay dileen Nabadoonka xili uu meel shaah lagu cabo fadhiyay, oo ku taalla xaafadda Fagax, ee degmada Yaaqshiid.

Lama oga sababta Nabadoonka loo beegsadey, balse wuxuu kusoo aadayaa dilka xili Nabadoonada ay Al-Shabaab u hanjabtay, ugana digtay inay doortaan Xildhibaanada cusub.

Dilalka iyo qaraxyada ayaa magaaladda Muqdisho mudooyinkii dambe kusoo kordhayay, iyadoo Madaxda dowladda ku mashquuleen Arrimaha Siyaasadda iyo doorashadda dadban.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.