Nabadoon lagu dilay Beledweyne iyo amniga oo faraha ka baxay

Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay dilka Nabadoonka, maadaama ay beegsato odayaasha ka qeybgalay doorashadda Xildhibaanada Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Nabadoon lagu dilay Beledweyne iyo amniga oo faraha ka baxay

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Waxaa xalay lagu dilay Xaafadda Xaawo Taako ee magaaladda Beledweyne Cali Macalin Maxamuud [Cali Dheere], oo kamid ahaa Odayaasha ugu caansan G/Hiiraan.

Dabley hubeysan ayaa dishay Nabadoonka, oo la sheegay inuu kamid ahaa Odayaashii soo xulay Ergadii dooratay Sanbaloolshe, oo noqday Xildhibaan katirsan Baarlamaanka 11aad ee dalka.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilka, balse waxaa loo maleynayaa inay ka dambeyso Kooxda Al-Shabaab, oo horey ugu hanjabtay Odayaasha ka qeybgalay doorashadda iyo ergada u codeysay Xildhibaanada cusub.

Waa qofkii 2aad oo ka qeybgalay doorashadii ka dhacday HirShabeelle oo lagu dilay Beledweyne bishan gudaheeda, waxaana shacabka ay sheegeen in amniga uu faraha ka baxay, islamarkaana maamulka u noqday mid fadhiid ah.

23-kii March, labo qarax oo ismiidaamin ah ayaa ka dhacay Beledweyne, kuwaasoo ay ku dhinteen in k abadan 50 qof, oo ay kamid tahay Xildhibaan Aamin Cabdi, oo xiligaas dib u doorasho raadinaysay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.