Nabadoon Xaad: Handadaad & Hanjabaad Dil ah ayaa iga imaaneysa xagga DFS - Dhageyso

Warar Keydmedia Online

Muqdisho (KON) - Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beeelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in DFS ay ugu hanjabtay in la dilayo haddii uu ka hadlo Arimaha ka socda Magaalada Muqdisho.

Codkaan lasoo dhigay baraha Internetka ayaa laga maqlayaa Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo sheegaya in Madaxda Dowladda Federaalka ay u handadaaden.

Ma'uuliyiinta uu Farta ku fiiqay Xaad ayaa waxaa kamid ah Taliyaha Nabadsugidda, C/llaahi Maxamed Cali "San-bololshe" iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sheegay in "Qof walba oo fikir kale qaba, afka laga qabanayo".

"Madaxweynaha laga soo bilaabo, ilaa Wasiirro, ilaa Saraakiisha Dowladda ayaa ila soo xiriiray, adeerow raali ahow ayaa la igu yiri, afkaaga naga qabo, hadaad naga diidana kaama sii xishoon doono," Ayuu yiri Xaad.

Nabadoon Xaad oo hadlay ayaa sheegay in uu ku qancay Hanjabaada loo jeediyey, balse waxa uu farta ku fiiqay in Dadkii Afka laga wada qabtay oo aanay ka hadli karin Arimaha Dawladda, Dalkiina aan lagu tilmaami karin 'Dal Xoriyad ka jirto'.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa Keydmedia Online u xaqiijiyay jiritaanka Codkaan, wuxuuna ku daray in uusan ku qanci karin in Afka laga qabto: “Ma jirto Xornimo, Madax Banaani, Xoriyatul qawl sidaa awgeed waan iska gaabsanay, laakiin waxaasi wax lagu qanci karo inaysan ahayn Qof walba waa u jeedaa“ Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Nabadoon Xaad.

Xaad ayaa KON u sheegay in Dalka aan laga maamulin Villa Somalia, shacabkana laga luminayo Xoriyadooda. - Hoos ka Dhageyso Codka laga helay Internetka

 

Keydmedia Online - Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.