Nabadoono ka soo jeeda Bari oo ku baaqay joojinta xasuuqa Faroole

Boosaaso(keydmedia) Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda gobalka Bari ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado falalka arxan darro ee maamulka Faroole uu kula kaco shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dhacdadii dhawr casho ka hor ka dhacday duleedka magaalada Galkacyo.
Warar Keydmedia Online

Nabadoon C/qaadir Axmed Ibraahim oo ka mid ah Nabadoonada ka soo jeeda gobalka Bari oo la hadlay warbaahinta ayaa ka dalbaday Faroole inuu ka waantoobo arimahaasi isla markaana uu magdhaw iyo raali galin ka bixiyo dhibaatadii uu gaarsiiyay shacabka.

Inkastoo dalabkan uu ka soo yeeray duqowda Bari ayaa hadana waxaa la saadaalinayaa in ay aad u adagtahay Faroole inuu maqlo dalabka ka soo yeerayo odayaasha iyo waxgaradka sabab la xiriirta nidaamkiisa ku saleysan kali talisnimada.

Weerarkii lagu xasuuqay xoola dhaqatada duleedka mudug ku nooleed ayaa waxaa si weyn uga wada uur xumaaday shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan.

 www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.