Nin loo celiyay Gurigiisa oo 30 Sano xoog looga heystay

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in muwaadin Soomaaliyeed ku wareejiyeen gurigiisa oo muda 30-sano si sharci-dara ah looga heestay.

Warar Keydmedia Online
Nin loo celiyay Gurigiisa oo 30 Sano xoog looga heystay

MUQDISHO, Soomaaliya - Guri ku yaalla degmada Kaaraan oo mudo 30 sano xoog iyo sharci-darro lagu heystay ayaa Maanta oo Sabti ah dib loogu celiyay qoyskii lahaa, kadib dedaallo uu sameeyay maamulka gobolka Banaadir.

Reerka Guriga deganaa waxay ka dalbadeen cidii lahayd cafis, maadaama ay ku noolaayeen 30 sano iyagoo aan ogolaansho ka heysan Milkiilhiisa, waxaana tallaabadan ay ahayd mid dhif iyo naadir ah.

Muqdisho wali waxaa ku dulman dad aad u badan, oo hantidiida laga heysto, iyadoo maamulka ka jira magaaladda iyo dowladda qeyb ka yihiin dhibaatadda, maadaama aysan sameyn Garsoor caadil ah oo dadka si siman ugu adeegga.

Maxkamadaha waxaa ka jira musuq-maasuq, laaluush qaadasho iyo in qareenadda ay ku shaqeeyaan nidaam ka baxsan midka dowliga ah, oo ah nin jeclaysi iyo qabiil, taasina ay dad badan xaqoodii ku waayeen.

Kiisaska ugu badan ee Maxkamadaha la geeyo waa dhul la isku heysto, maadaama 30-kii sano ee uu dalka burburka kusoo jiray dadkii Wadanka ka qaxay boosaskoodii ay qabsadeen dadka kale, oo sharciyo been ah u sameystay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa balan-qaadkiisii doorashadda ahaa inuu dhisayo Garsoor awood leh, oo shacabka ay kaga baxaan dhibaatooyinka Cadaaladda daradda iyo eexda, balse ma fulin balan-taas.

Wadanka wuxuu kusoo jiray dhibaato tan iyo 1991-dii, waxaana gebi ahaan burburay hay'adihii dowladda, nidaamka sharciga iyo cadaaladda, taasina waxaa laga dhaxlay inuu qofba qofka uu ka awood badan yahay dhaco ama dilo.

Inkastoo xaaladda ka duwan tahay sidii hore, haddana wali nidaamka jira ma ahan mid la isku hallayn karo, maadaama qabiilka uu shaqeynayo, dowladnimaduna aysan dhameytirnayn.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.