NISA: Dekadda Muqdisho waa isha qaraxyada Al-Shabaab

Booliska, Maamulka Dekadda iyo qeybta Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda DF ayaa caqabad ku ah in la baaro kunteenaradda maadooyinka qaraxyada ku jiraan.

Warar Keydmedia Online
NISA: Dekadda Muqdisho waa isha qaraxyada Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartey ku sheegtay in Dekadda Muqdisho ay noqotay isha qaraxyada uga soo degaan Kooxda Al-Shabaab.

Taliska qeybta Sirdoonka gobolka Banaadir ayaa ogeysiiyay warkan Wasaaradaha Amniga, Maaliyadda, Taliska Booliska iyo Maamulka Gobolka Banaadir, iyagoo lagu wargeliyay khatarta amniga ee ka dhalan karta, hadii aan la baarin kunteenaradda lagu soo qariyo maadooyinka qaraxyada laga sameeyo.

NISA ayaa sheegtay in sanadkan gudihiisa ay ku qabteen Dekadda 10 kunteenar, oo qaarkood laga helay 78 mitric tonne oo maadada Sulfuric Acid, oo qaraxyada loo adeegsado, waxaana xabsiga la dhigay ganacsatadii soo dejisay, oo doonayay inay usii gudbiyaan Al-Shabaab.

"Waxaan caddeynaynaa in Taliska NISA qeybta gobolka Banaadir uusan qaadi doonin mas'uuliyadda amni darro ka dhalan doonta dekadda Muqdisho," aya alagu yiri warka ay soo saartey NISA, kaasoo sidoo kale lagu xusay in Al-Shabaab ay galaan-gal u yeelatay inay dalka soo geliso waxyaabaha qaraxyada laga farsameeyo, iyadoo ay usoo marayaan ganacsato.

Qoraalka NISA, oo wali lagu baahin warbaahinta dowladda iyo baraha ay ku leedahay Social Media, ayaa Keydmedia Online isku dayaysaa inay ogaato sunnaantiisa, maadama wali si rasmi ah loo shaacin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.