NISA oo lagu eedeeyay afduubka Ikraan Tahliil Faarax

Hooyo Soomaaliyeed oo ku dhaqan dalka Turkiga ayaa Ha’yadda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ku eedeeysay in ay dileen ama afduuduubeen gabar ay dhashay.

Warar Keydmedia Online
NISA oo lagu eedeeyay afduubka Ikraan Tahliil Faarax

ANKARA, Turki – Hoooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Qaali Maxamuud Guhaad, oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in ay la’adhay gabar ay dhashay oo lagu magacaabo Ikraan Tahliil Faarax, muddo 16 maalmood ah, waxayna sheegtay in ay afduubteen rag ka tirsan NISA.

Sida ay xustay Qaali Maxamed, inta u dhaxeysa KM-0 iyo Hotel Globel, ayaa laga afduubtay Ikraan, waxaana loo qaatay dhanka guriga Maamo Khadiijo, oo ay degan yihiin taliska Nabad-sugidda.

Ikraan Tahliil, ayaa ka tirsan shaqaalaha Gobolka Banaadir, waxayna aqoon kororsi u aadday dalka Ingiriiska, kadib geeridii Allaha u naxariistee, Duqii hore ee Muqdisho Injineer Yariisow, waxayna dhawaan dib ugu soo laabatay dalka.

Dhamaan Madaxda Dowladda Fedaraalka, garsoora dalka, booliska iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ayay ka codsatay in si daacad ah loola baadi goobo gabdheeda oo ay si aan ka gambad lahayn ugu tuhmeyso NISA.

Waxaa soo badanaya marba marka danbeysa dadka aan dib danbe loo arkin marka ay galaan xarunta NISA, tan iyo markii Hay’adda Nabad-sugidda loo dhiibay Fahad Yaasiin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.