NISA oo sii daysay Wariye Cabdullahi Kulmiye

Mudo 5 maalmood ayuu si sharci darro ah ugu xirnaa Xabsiga Godka-Jilacow oo ku dhaw xarunta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta lasoo daayay Wariye C/llaahi Kulmiye Caddow, oo 5 maalmood ugu xirnaa Godka-Jilacow ee Muqdisho hay'adda Nabad Sugida NISA, oo markii hore xili habeen ah gurigiisa kala baxay.

Wareysi uu la yeeshay ganacsade Abuukar Cadaan, oo sheegay inuu taageersan yahay fekerka Al-Shabaab ayaa loo xiray, iyadoo xarigiisa ay cambaareeyeen ururada u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda saxaafadda. C/llaahi Kulmiye ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sii deyntiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.