KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Bogga gaarka ah ee NISA, ku leedahay Twitter-ka lagu qoray in Al-Shabaab beegsanayaan Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta iyo Farmaajo oo sharci darro ku deggan Madaxtooyada.
MUQDISHO, Soomaaliya – War qoraal ah oo kasoo baxay Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sir-doonka Qaranka [NISA], oo aan hadda nabad iyo sugid amni midna ka shaqeyn, ayaa baahisay qoraal ay ku sheegtay in Al-Shabaab maleegayaan qorshe lagu khaarijinayo, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo RW Maxamed Xuseen Rooble.
Qoraal lagu daabacay barta NISA, ku leedahay Twitter-ka, ayaa lagu xusay in shaqsi la yiraahdo Maxamad Mahir, uu qorsheynayo inuu fuliyo weerarro xooggan oo ka dhan ah xaafiisyada sarsare, hayeeshe, shacab iyo siyaasiyiin fara-badan ayaa hoggaanka hay’adda ku eedeeyay in ay xalaaleysanayaan dhiiga Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-garsiinta, Rooble, wuxuu dhawaan sheegay in ay jirto khatar Amni oo soo fool leh, wuxuu muujiyay dareen ah, in hay’adihi amni ee ilaalin lahaa bad-qabka muwaadiniinta ay wadaan dilal siyaasadeed oo aargoosi iyo iska hor wareejin ku qotama, sida dilkii AUN Xildhibanaan Aamino Maxamed Cabdi.
Sida ka muuqata guuxa shacabka iyo siyaasiyiinta ka falceliyay warka NISA, Fahad iyo Farmaajo, waxa ay doonayaan in ay beegsadaan Ra’iisul Wasaaraha, kadibna duullaankaas dusha ka saaraan Al-Shabaab, kuna doodaan in ay hore uga digeen, hayeeshee, shacabku waxa ay muujiyeen in ay fahansan yihiin dhagarta F&F maleegayaan.
Labadii todobaad ee la soo dhaafay, waxaa si weyn loo wadaagayay farriimo amni, oo ka imaanayay saraakiil ku jira Nabad-sugidda kuwaas oo sheegayay in hoggaanka NISA oo garabsanaya Al-Shabaab, ay duullaan ku yihiin RW Rooble, Siyaasiyiin iyo Xildhibaanno mucaarad ah, si loo abuuro khalqal amni iyo mid siyaasadeed oo xooggan.
Dhawaan, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann, ayaa sheegtay in ay socdaan “dilal ku salaysan siyaasadda” kadib markii weerar lagu qaaday Xerada Xalane, isla-markaana 23 March 2022, Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, iyo ku dhawaad 50 ruux oo kale lagu dilay xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyne.
NISA, waxaa ku jira saraakiil hore uga soo baxay Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo kaliya qaabilsan dabagalka iyo khaarijinta Siyaasiyiinta ka aragtida duwa Farmaajo iyo xulufadiisa, waxaana Ra’iisul Wasaaraha hore loola wadaagay khatar gaar ah oo isaga ka dhan ah, taasoo sababtay in hoggaanka NISA, kala aamin baxaan.
Sida ku cad, qoraal ay bishii October 2021, daabacday Majaladda New York Times, ee fadhigeedu yahay Mareykanka, khabiirka ugu sareeya dhanka qaraxyada ee Kooxda Al-Shabaab, waa saaxiibka Fahad Yaasiin, kaas oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cusmaan Maxamed, wuxuuna muddo kala shaqeynayay TV-ga Al-Jaziira, xaruntiisa Muqdisho.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.