Nuur oo hore u dilay Justine oo xabsiga laga sii daayay

Askari hore uga tirsanaa booliiska Minneapolis oo ku dhawaad shan sano ka hor toogtay haweeney Australian ah oo aan hubaysnayn Justine Ruszczyk oo caawinaad weydiisatay booliska ayaa ugu danbeyn xabsiga oo lagu sii daayay.

Warar Keydmedia Online
Nuur oo hore u dilay Justine oo xabsiga laga sii daayay

MINNEAPOLIS - 36 jir Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Nuur, hore-na uga tirsanaa jiray booliiska Minneapolis oo sannadkii 2017-kii toogtay haweenay aan hubaysnayn oo booliska u soo wacday in la caawiyo, ayaa Isniintii dib u helay xoriyaddiisa, kadib muddo saddex sano ah oo ku xirnaa xabsiga.

Siideyntiisu waxay ku soo beegantay xilli ay 18 maalmood oo keliya ka harsan yihiin sannad-guuradii shanaad ee toogashadii uu ku khaarijiyay Justine Ruszczyk, oo 40 jir ahayd isla-markaana u dhalatay Australia, heysatayna dhalashada waddanka Mareykanka, taasoo u arkaneyd Don Damond oo ay guur ku ballansanaayeen.

Maxamed Nuur, wuxuu Oktoobar 20, 1985, ku dhashay Qoryooley, gobolka Shabeellaha hoose, wuxuu ahaa askari ay hore si weyn u amaaneen, duqii magaalada Minneapolis marwo, Betsy Hodges iyo jaaliyadda Soomaalida, wuxuuna ahaa mid ka mid ah askartii ugu horreysay ee Soomaali-Mareykan ah oo booliis ah ee aaggaas

Kadib dhimashadii Justine Ruszczyk, dibad-baxayaal ka cereysan falka boolisku ku kacay ayaa isku soo baxay, taasoo sababtay in taliyihii booliiska magaalada is casilo, waxayna mas'uuliyiinta Minneapolis dib-u-habayn ku sameeyeen waaxda booliska, iyaga shacabka ku qanciyay in aysan dib u soo laaban doonin dhacdo ceynkaas ah.

Hayeeshee, in ka yar saddex sano toogashadii Justine kadib, 2020, sarkaal kale oo booliska Minneapolis ka tirsanaa, Derek Chauvin, ayaa dilay George Floyd, taas oo sababtay mudaaharaadyo waaweyn oo dalka oo dhan ah, Mr. Chauvin ayaa lagu xukumay in ka badan 22 sano oo xabsi ah, taasoo ah ciqaabta dilkii George Floyd.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.