Nuxurka Khudbadii Madaxweyne Xasan Sheekh ee Minnesota

Waa booqashadii 2aad oo Xasan Sheekh ku tago gobolka Minnesota mudo 8 sano gudahooda, waxaana markan ay kusoo aaday xili Soomaaliya ka duwan tahay sidii hore.

Warar Keydmedia Online
Nuxurka Khudbadii Madaxweyne Xasan Sheekh ee Minnesota

Minneapolis - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii Khamiista kula hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika Xaflad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay Jaamacadda Minnesota.

Xafaladda waxaa ka qeybgalay duqa magaaladda Minneapolis, Xildhibaan Ilhan Cumar iyo Mas'uuliyiin kale oo dowladda Mareykanka, iyadoo ay ku sugnaayeen Soomaali magaalooyin kala duwan isaga kala timid.

Xasan Sheekh ayaa diiradda ku saarey khudbadiisa dib u xoreynta dalka iyo dagaalka Al-Shabaab ayaa tilmaamay in awood ahaan iyo dhaqaale ahaanba loo jabiyay, islamarkaana uu gabagabo yahay qorshaha looga taqalusayo fikirkooda.

Waa booqashadii 2aad oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku tago gobolka Minnesota mudo 8 sano gudahooda, waxaana markan ay kusoo aaday xili Soomaaliya ka duwan tahay sidii hore.

Halkan hoose ka daawo Khudbadda Madaxweynaha.

 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.