Odayaal heshiis la galay Al-Shabaab oo shallaay jooga

Xarigga odayaashan ayaa markii hore waxa qeyb ka aheyd eedeyn culus oo ay usoo jeediyeen waxgaradka iyo cuqaasha reer Xaaji Saleebaan oo dhawaan iska fogeeyay heshiiska ay la galeen odayaashan Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Odayaal heshiis la galay Al-Shabaab oo shallaay jooga

MUQDISHO, Soomaaliya - Sugaal Warsame Cali, Cali-yare Axmed Xeyle iyo Cumar Maxamed Jimcaale oo ah Saddex ka mid ah odayaashii reer Xaaji Saleebaan ee dhawaan heshiiska la saxiixday Al-Shabaab ayaa maanta laga soo dejiyay magaalada Muqdisho.

Odayaashaan oo dhawaan laga soo qabtay magaalada Cadaado ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xirna xarunta maamul gobolleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, waxaana loo heystaa wadahadallo ay Al-Shabaab kula galeen magaalda Xarardheere.

Xogaha la xariira xarigga odayaasha ee soo gaaray warqabadka Keydmedia Online ayaa sheegaya in Muqdisho loo keenay si loogu maxkamadeeyo, kadib markii hay’adaha amniga maamulka Galmudug ay kusoo wareejiyeen dowladda federaalka Soomaaliya.

Odoyaasha oo dhawaan saxaafadda kula hadlay Cadaado waxa ay ku doodeen in ay Al-Shabaab ka soo daayeen 67 qof oo maxaabiis ahaan ay u heysteen, halka ay sidoo kale xuseen in ay Kooxda ka fasaxeen gaadiid badan oo ay qafaal ahaa u heysteen.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka beesha Saleebaan ayaa hore u sheegay in qaar ka mid ah odayaasha heshiiska la galay Al-Shabaab ay hore Kooxdaas uga mid ahaayeen. Dowladda Federaalka iyo maamullada dalka ka jira ayaa hore u diiday in lala macaamilo Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.