Odayaal loo xiray la kulanka hogaamiyeyaal Al-Shabaab

Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka G/sare Xasan Jaamici oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in odayaasha la xiray loo gudbiyay magaalada Dhuuso Mareeb si su’aalo loo weydiiyo.

Warar Keydmedia Online
Odayaal loo xiray la kulanka hogaamiyeyaal Al-Shabaab

CADAADO, Soomaaliya - Ciidamada Galmudug ayaa xabsiga dhigay Odayaal saaka warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado oo kasoo laabtay degaannada ay maamusho Al-shabaab ee ku yaalla gobolka Mudug.

Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka xoogga dalka G/sare Xasan Jaamici oo la hadlay warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in Odayaasha la xiray loo gudbiyay magaalada Dhuusamareeb si su’aalo loo weydiiyo, maadaama ay lasoo fariisteen madaxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa ku tilmaamay odayaashan in ay yihiin dembiilayaal, waxaana uu intaa ku daray in maxkamad la soo taagi doono, sababtoo ah dowladd ayaa dembi ka dhigtay la kulanka kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Odayaasha la xiray ayaa lagu kala magacaabaa Sugaal Warsame Cali, Cali Yare Axmed Cali, iyo Cumar Maxamed Jimcaale. Waxa ay muddo bil ah ku sugnaayeen Xarardheere oo ah xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab ku leedahay Mudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga digtay Ganacsatada iyo Odayaasha inay la macaamillaan Al-Shabaab oo ay qaataan awaamiirta kooxda kadib markii ay Ciidanka qaranka ku qaadeen weerar xooggan bishii August ee sanadkan.

Galmudug ayaa la wareegtay degaanno dhowr ah, iyadoo kaashanaysa dowldda dhexe, waxaana ay hadda kusii jeedaa goobaha dhiman, oo Xarardheere iyo Ceel-buur kamid yihiin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.