Odayaal dhaqan oo dowladda ku eedeeyay dilka dad shacab ah

Odayaasha dhaqanka Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay qeyb ku leeyihiin dilka 7 Ruux oo shalay galinkii dambe loogu geystay meel u dhaw degmada Balambale

Warar Keydmedia Online
Odayaal dhaqan oo dowladda ku eedeeyay dilka dad shacab ah

GURICEEL, Soomaaliya - Odayaasha dhaqanka Guriceel oo Maanta Warbaahinta kula hadlay gudaha Degmada, ayaa waxay sheegeen in dadkii 7 ruux oo shacabka ahaa ee lagu laayay Deegaanka Xirsi Lugeey ee u dhaw Balanbale ay dilkooda ka dambeeyeen askar katirsan Ciidamada Dowladda Farmaajo.

Ma jiraan wax faah-faahin ah oo ku saabsan arrintaasi oo ay sheegeen odayaasha marka laga soo tago dilka oo ay dusha uga tuureen mas'uuliyaddiisa dowladda Soomaaliya. Odayaasha ayaa ku baaqay in si deg deg ah caddaalaadda loo hor keeno Ciidamadii xasuuqa geystay.

Dabayaaqadii sanadkii ina dhaafay ayaa 6 Sarkaal oo Guriceel ka ambabaxay kuna sii jeeday deegaankal Balanbale ayaa waddada loo galay, kadibna la toogtay, waxaana dadka qaar ay dilka shalay ka dhacay ku sheegay aano qabiil oo daba socota dilka hore.

Maamulka Galmudug arrintan weli si rasmi ah ugama hadlin, inkastoo ay ka tacsiyeeyeen geerida dadka shacabka ah ee la xasuuqay, haddana ma jirto wax tallaabo ah oo ay qaadeen Ciidamda ammaanka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.