Ogaaw waqtiga loo qabtay soo afjaridda Al-Shabaab

Dowladda Federaalka oo si weyn u abaabushay shacabka ayaa dagaal xooggan ku wajahaysa Al-Shabaab, howlgallo socday tan iyo bishii July ayaana looga saaray in ka badan 100 degaan oo dhaca gobollo kala duwan oo Hiiraan iyo Sh/dhexe ugu horreeyaan.

Warar Keydmedia Online
Ogaaw waqtiga loo qabtay soo afjaridda Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya - La-taliyaha amniga qaranka, Xuseen Macalin Maxmuud oo kaalin weyn ku leh qorshaha howlgallada ka dhan ah Al-Shabaab oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in labo sano lagu soo afjarayo Kooxda Al-Shabaab.

Xuseen Macalin wuxuu sheegay in jiritaanka Al-Shabaab uu ka dhashay dhaciifnimada dowladnimada iyo karti la’aanta hoggaanka Dowladda, wuxuuna xusay in cidda Al-Shabaab ka adkaaneysa aysan ahayn ciidan ajanabi ah ee ay yihiin ciidamo Soomaali ah.

“Dabcan kaalmo ajanabi Soomaalidu waa u baahan tahay hayeeshee dagaalka iyo cidda Al-Shabaab jabineysa waa ciidan Soomaaliyeed iyo shacab Soomaaliyeed, qorshaha Dowladda waa in labo sano gudahood Al-Shabaab lagu soo afjaro” ayuu yiri Xuseen.

La-taliyaha amniga qaranka wuxuu xaqiijiyay in diyaaradaha Turkiga ay qeyb ka yihiin duqeymaha cirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab, halka uu sidoo kale xusay in dowladaha UK, Sacuudiga, Qatar, Mareykanka iyo Imaaraadka ay Soomaaliyga garab taagan yihiin.

Dowladda Federaalka oo si weyn u abaabushay shacabka ayaa dagaal xooggan ku wajahaysa Al-Shabaab, howlgallo socday tan iyo bishii July ayaana looga saaray in ka badan 100 degaan oo dhaca gobollo kala duwan oo Hiiraan iyo Sh/dhexe ugu horreeyaan.

MW Xasan ayaa bishii May Xuseen Macallin u magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka, kaas oo la sheegay inuu khibrad iyo aqoon durugsan u leeyahay qaab-dhismeedka amniga qaranka, duruufaha amni ee ku xeeran dalka iyo qorsheyaasha dib-u-dhiska Ciidamada.

Xuseen Macallin, wuxuu hore u soo noqday La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynihii 9-aad, Farmaajo, La-taliye Sare oo dhanka Amniga iyo La dagaallanka Al-Shabaab ah Madaxweynihii 8-aad Xasan Sheekh iyo Xubin ka tirsan Golaha Amniga Qaranka.

Sidoo kale, Agaasimaha Waaxda Amniga Dibadda ee Hay'ada Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayuu soo noqday, ka hor inta uusan qaban xilka Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay'ada, wuxuuna aas aase ka ahaa Machadka Daraasaadka Amniga ee Hiraal.

KEYDMEIDA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.