Puntland: Booliska oo Weriye ku xiray goob qarsoodi ah

Kilwe Aadan oo ah Weriye madax-banaan oo muuqaallo soo dhiga bogga Facebook uu ku leeyahay ee Kilwe Media, ayaa tebiyay shacab ka dibad-baxayay sicir barar saameeyay gobollada Puntland.

Warar Keydmedia Online
Puntland: Booliska oo Weriye ku xiray goob qarsoodi ah

GAROOWE, Puntland - Ciidamada Booliska Puntland ayaa qaab afduub ah u haysta mudo 14 Maalmood Weriye Kilwe Aadan Faarax, oo kamid ah Suxufiyiinta madaxa-banaan ee ka howlgala degaanada maamulkan ku yaalla Waqooyiga Bari ee Soomaaliya.

Wariyeyaasha Saaxiibadiisa ah ee ka shaqeeya Puntland ayaa cambaareeyay xariga sharci-darrada ah ee Kilwe, iyagoo sheegay inay u arkaan "qafaalasho".

Hay'adaha u dooda xaquuqda Suxufiyiinta ayaa walaac ka muujiyay xaaladda Weriye Kilwe oo weli goob aan la ogeyn ay booliska Puntland ku hayaan, lagana baqdin qabo in jirdil iyo tacadi kale lagula kaco.

Kilwe Aadan oo ah Weriye madaxbanaan oo ka muuqaallo soo dhiga bogga Facebook uu ku leeyahay ee Kilwe Media, ayaa tebiyay shacab ka dibad-baxayay sicir barar saameeyay gobollada Puntland.

Kilwe ayaa 27-kii December 2020 lala xiray Weriye Faarax Maxamed Khaliif oo ka howlgala Telefishinka Horn Cable, kaasoo labo maalmood kadib lasii daayay, balse isaga la geeyay xabsi qarsoodi ah oo Garoowe ku yaallo.

Puntland ayaa kamid ah meelaha aan ka jirin xoriyadda hadalka iyo warbaahinta, iyadoo lagu xiray Suxufiinya badan 2020 iyo xaruumo warbaahineed kadib markii ay tebiyeen dhibaatooyinka ka jira Maamulkan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.