Puntland oo amar ku soo rogtay shacabka Garowe

Maamulka Puntland ayaa soo rogay amar adag oo la doonayo in lagu xaqiijiyo aminga caasimadda Puntland Garowe.

Warar Keydmedia Online
Puntland oo amar ku soo rogtay shacabka Garowe

GAROWE, Soomaaliya - Axmed Maxamuud Cali oo ah sargaal ka tirsan Ciidanka Booliiska Puntland oo saxaafadda kula hadlay Garoowe, ayaa sheegay in qof kasta oo safar ah laga doonayo inuu keensado damiin loogu ogolaado inuu sii wato safarkiisa.

Sarkaalkan oo sidoo kale ku magacaaban Taliyaha saddexda kantarool ee laga soo galo caasimadda Puntland ayaa xusay in ay billaawdeen baaritaanno lagu xaqiijinayo amniga guud ahaan Puntland gaar ahaan Garowe, waxana qof kasta oo galaya ama ka baxaya Gorowe laga doonayaa inuu caddeeyo u jeedka safarkiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.