Puntland oo amar kusoo rogtay shirkadaha isgaarsiinta

Maamulka Puntland ayaa amar kusoo rogay shirkadaha isgaarsiinta ee ka howl gala magaalooyinka ay maamusho Puntland.

Warar Keydmedia Online
Puntland oo amar kusoo rogtay shirkadaha isgaarsiinta

GAROWE, Soomaaliya - Maamulka Puntland ayaa Shirkadaha Isgaarsiinta degaanada Puntland ku amray in la hakiyo doollarka danabaysan ee teleefannada, isla markaasna lagu beddelo Shilinka Soomaaliga oo danabaysan.

Qoraal kasoo baxay guddi ay usaartay Puntland xallinta dhibaatada suuqa lacagta Puntland ayaa sheegay in weli aan si buuxda loo adeegsan lacagta Shillin Soomaaliga, uuna jiro qiimo koror maciishadda iyo adeegyada dadka danta yar ay ku iiban jireen lacagta Shillinka.

Sidoo kale Guddiga xalinta dhibaatada ayaa Shirkadaha Isgaarsiinta Magaalooyinka Puntland faray inay go’aanka lasoo saaray ku dhaqan-geliyaan muddo shan maalmood gudahood oo ka bilaabaneysa 3-da bishaan April 2021.

Arrintan ku saabsan xallinta iyo wax ka qabashada sicir bararka ayaa qaadatay muddo dheer, waxaana ugu dambeyntii guddigu ay soo jeediyeen qodobkan oo shirkadaha isgaarsiinta ee bixiya adeegyada lacageed ay u arkaan mid iyaga dhib ku ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.