Puntland oo awaamiir kusoo rogtay masaajidda

Wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleedka Puntland ayaa awaamiir kusoo rogtay masaajidda ku yaal Puntland, kuwaasoo la xiriira Caabuqa saf-marka ah ee COVID-19

Warar Keydmedia Online

GAROWE, Soomaaliya - Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay amar cusub kuwaasoo looga hortegayo faafida Caabuqa saf-marka ah ee COVID-19 kaasoo ku socda shacabka kunool deegaanada maamulkaasi ka arrimiyo.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxay sheegtay inuu jiro sare u kac la xiriira faafidda Caabuqa COVID-19, isla markaana looga baahan yahay in laga hortego.

Wasaaradda ayaa dadka ku tukanaya Masaajiadda Salaadaha Jameecada ku amartay inay isku jirsadaan masaafo dhan ugu yaraan 1.5 Meter, uuna qof kasta soo qaato Afxir.

Amarkan ayaa soo baaxay maanta oo ay bisha barakeysan ee Ramadaan tahay kow, waxaana bishan dadku ay aad u camiraan masaajidda iyagoo salaadda Taraawiixda ku tukada masaajidda rag iyo dumarba, waxaana la leeyahay isku imaatinka dadka maadaama uu sare ukacay waxaa iyana cirka isku sii shareeri doona faafidda caabuqa!

Lama oga sida uu udhaqan gali doono, maadaama masaajidda Soomaaliya ku yaal ay aad u yar-yar yihiin, dadka salaadda tukanayana ay aad u badan yihiin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.