Puntland oo bixineysa magta Nadiiro Feysal

Warqaddan waxaa sidoo kale lagu xusay loona sheegay qoyskii ay marxuumaddu ka geeriyooty in mas'uuliyadda geerida gabadhooda uu maamulku dusha saartay.

Warar Keydmedia Online
Puntland oo bixineysa magta Nadiiro Feysal

GAROOWE, Puntland - Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa shalay lagu aasay Nadiiro Feysal Shire oo ahayd gabar dhalinyaro ah oo sabab-satay gacanta Ciidamada Booliska Maamulka, kuwaasoo rasaas ay ku kala ceyrinayeen dad rayid ah oo banaanbax dhigayay ku dhuftay marxuumadda 26-kii December 2020.

Nadiiro oo 15 jir ahayd ayaa geeriyootay 2-dii bishan, waxayna tan iyo markaas ku jiraty Firinjeer, maadaama ehelka gabadhu ay dalbanayeen inay Caddaalad helaaan, islamarkaana garsoorka la hor keeno dadki ka dambeeyay dilkeeda.

Inkastoo aan wali lahayn ruux loo eedeeyay kiiskan, hadana warqad kasoo baxday xaafiiska Wasiirka Amniga Cabdisamad Gallan ayaa lagu yiri: “Anagoo tix raaceyna warqadda sumaddeedu tahay xog/tcb/001/21, ee taliska Booliska, waxaan ku raacnay talo soo jeedintii taliyaha Booliska ee ah in dowladdu la wareegto khasaarihii ka dhashay howlgal Ciidamada sameeyeen 26-kii December 2020, kaas oo ay ku dhimatay marxuumad Nadiiro Faysal Shire”.

Warqaddan waxaa sidoo kale lagu xusay loona sheegay qoyskii ay marxuumaddu ka geeriyooty in mas'uuliyadda geerida Gabadhooda uu maamulku dusha saartay.

“Hadaba waxaan halkaan uga cadeyneynaa ehelada marxuumadda in dowladdu la wareegtay mas'uuliyaddaas," ayaa lagu yiri gunaanadka warqadda kasoo baxday Wasaaradda Amniga Puntland, oo KON ay heshay nuqul kamid ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.