Puntland oo Dagaal qarka u saaran

Boosaaso waxay gashay xaalad cakirnaan ah iyo xiisad dagaal kadib markii agaasimaha PSF uu diiday xilka qaadis lagu sameeyay bishii lasoo dhaafay.

Warar Keydmedia Online
Puntland oo Dagaal qarka u saaran

BOOSAASO, Soomaaliya - Magaaladda Boosaaso, oo ah isha dhaqaalaha Puntland ayaa foolanaysa dagaal, iyadoo ay isku hor-fadhiyaan Ciidanka maamulka iyo kuwa taabacsan taliyaha xilka laga qaadey Maxamuud Cismaan Diyaanno, oo ah nin awood badan ku leh magaaladda.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay kadib markii shalay Isimo [Odayaal dhaqan], oo uu ku jiro Boqor Burhaan ay soo saareey qoraal ay Deni uga dalbadeen inuu taliyaha PSF ee shaqada laga eryay u daayo hantida hay'adda, sida Guryaha, Gaadiidka dagaalka iyo Hubka.

Qodobkan ayaa durba waxaa diiday Madaxweyne Deni, oo ku tilmaamay mid dhawacaysa dowladnimada Puntland, sidoo kalena ay dheera-gelinayso musuq-maasuq hantida dadweynaha.

Isimada waxa kaloo sheegeen in dowladda laga rabo inay bixiso mushahaarka Ciidanka ilaalinaya taliyaha xilka laga qaadey, sidoo kalena bixiso mushahaar la sheegay inuu 13 bilood ka maqnaa askarta PSF, si ay u dhacdo xil-wareejinta.

Deni waxa uu gaashaanka u daruuray dhamaan dalabka odayaasha, isagoo xusay in tallaabo military uu qaado doono, maadaama uu soo xirmay albaabkii wadahadalka iyo waan-waanta.

Ciidamo badan oo Puntland taabacsan oo ka soo baxay Garowe iyo Buuraha Galgala ayaa la geeyay Boosaaso, waxaana dhawaan kusoo biiray taliye ku xigeenkii PSF oo Deni xil u balan-qaadey. Boosaaso waxay qarka u saaran tahay inuu ka dhaco dagaal.

Madaxweyne Deni ayaa isna lagu eedeeyay inuu qaraabadiisa uu xilalka ugu badan u magacaabey xili uu sheegayo inaysan sii socon doonin qoyska si gaar ah u maamula hay'ad dowlada leedahay, isagoo ula jeeday reer Diyaano oo mudo ka badan 15 sano xukumayay PSF, oo Mareykanka maalgeliyo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.