Puntland oo fashilisay qarax ka dhici lahaa Boosaaso

Sida ku cad sawirrada loo adeegsaday bulshada, xoogaggu waxay qabteen xarig xarig ah, biro, fiilooyin qaawan, budo ku jira weel iyo waxyaabo kale.

Warar Keydmedia Online
Puntland oo fashilisay qarax ka dhici lahaa Boosaaso

BOOSAASO, Soomaaliya - Ciidamada Puntland ayaa fashiliyey weerar ay Malleeshiyada Al-Shabaab ku soo qaadi laheyd magaalada dekedda leh Boosaaso, oo dhacda waqooyi-bari Soomaaliya.

Hadal qoraal ah oo ay soo saareen Ciidamada amnigu waxay ku sheegeen in la soo qabtay qalab walxaha qarxa laga sameynayay kadib hawlgallo ka dhacay magaalada Boosaaso.

Sida ku cad sawirrada lasoo dhigay baraha bulshadda, Ciidanka Puntland waxay qabteen xarig koronto, biro, fiilooyin, iyo waxyaabo kale oo qaraxyada laga sameeyo.

Ciidamada ma aysan shaacin bartilmaameedka weerarka. Weli ma cadda in xubnihii diyaarinayay qaraxa la qabtay iyo in kale.

Ciidamada Puntland ayaa dhawaanahan kordhiyay howlgalada lagu ugaarsanayo xubnaha Al-Shabaab iyo Daacish ee ku sugan magaalooyinka waaweyn.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa ka howlgala buuraha Galgala. Ciidamada Puntland ayaa dagaal kula jira maleeshiyaadka dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Puntland ayaa la aas aasay bishii Oktoobar ee sanadkii 2015 kadib markii koox yar oo ka mid ah Al-Shabaab ay ka baxeen islamarkaana ay sheegeen inay daacad u yihiin amiirka ISIS Abu Bakr Al-Baghdadi

Tan iyo markaas, kooxdu waxay isku abaabulaysay woqooyi-bari Soomaaliya iyo agagaarka Muqdisho, iyadoo ay wajahaysa guluf aan kala joogsi lahayn oo kaga imanaya Al-Shabaab iyo dawladda Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.