Puntland oo qabatay ajaanib ka tirsan Daacish

Ragga la qabtay oo ay tiradoodu gaareyso ilaa seddex nin, ayaa ka soo jeeda Itoobiya gaar ahaan qowmiyada Oromada.

Warar Keydmedia Online
Puntland oo qabatay ajaanib ka tirsan Daacish

BOOSAASO, Soomaaliya- Ciidamada la dagaalanka argagixisada Puntland ayaa gacanta ku dhigay ilaa 3 nin oo ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo ka soo jeeda qowmiyada Oromada Itoobiya.

Raggan ayaa laga soo qabtay dhulka buuraleyda ee gobolka Bari, iyagoo markaas ku howlanaa in ay sahay gaarsiiyaan kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysaneysa dhulka buuraleyda gobolkaas.

Seddexda nin ee la qabtay, ayaa ka mid ahaa 7 ajaanib ah, oo ay xogtooda hayeen ciidamada Puntland, sida ay sheegeen saraakiisha hay'ada PSF.

Saraakiisha ayaa sidoo kale tilmaamay, in ay baaritaan ku sameeyeen raggan, isla markaana ay qirteen denbiyada lagu heysto.

Puntland ayaa sanadihii ugu danbeeyey cabsi amni kala kulmeysay kooxaha xagjirka ah, sida Daacish iyo Al Shabaab, oo ku dhuumaaleysta dhulka buuraleyda ah, waana kuwo inta badan meelahaas ka soo qaada weeraro noocyo kala duwan isugu jira.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.