Puntland oo qabatay lacago Shilin Soomaali ah

Ciidamada dowlad goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay lacago Shilin Soomaali ah oo la doonayay in la geeyo magaalada Boosaaso.

Warar Keydmedia Online
Puntland oo qabatay lacago Shilin Soomaali ah

BOOSAASO, Soomaaliya - Wararka naga soo gaaraya xarunta ganacsiga dowlad goboleedka Puntland ayaa waxay sheegayaan in ciidamada ammaanka ee Puntland ay gacanta ku soo dhigeen lacago Shilin Soomaali ah oo caddadeeda lagu sheegay 1 Bilyan oo Shilin Soomali ah iyo gaarigi waday lacagta oo ku sii jeeday magaalada Boosaaso.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin lacagtan halka laga keenay, sidoo kalena lama oga in ay tahay lacago been abuur ah oo dalka lagu sameeyay iyo in waddanka dibaddiisa laga keenay, hayeeshee ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa lacagtaan ku qabtay Magaalada Qardho. Ciidamada waxa ay sheegeen in ay ku qabteeb inta udhexaysa Kontaroolka deegaanka Al-xamdulilaahi iyo degmada Waaciye.

Duqa Degmada Qardho Mudane Cabdi Siciid Cismaan ayaa sheegay in lacagtaan ay kaga cabsi qabaan in lagu qalqal gelinayo degaanada Puntland si sare loogu qaado sicir bararka ka jira magaalooyin badan oo ka tirsan Puntland. waxaa uu sheegay in lacagtaan ay ku xareeyeen Bangiga Puntland ee Qardho , islamarkaana lagu sameyn doono baaritaano.

Deegaanada Puntland ayaa laga soo sheegayay bilihii u dambeeyay Sicir barar saameeyay maciishada qutul daruuriga ah, waxaana ciriiri galay kumannaan qoysaska danyarta ah ee bulshada ku dhex nool, lacagtan cusub ee soo gashay Puntland haddii ay suuqyada ugudbi lahayd waxaa deegaanada Puntland ay wajihi lahaayeen sicir bararkii ugu xumaa abid taariikhda inta la ogyahay deegaanada Puntland.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.