Puntland oo soo dhaweysay heshiiska DF iyo Musharixiinta

Maamulka Goboleedka Puntland ayaa soo dhaweeyay heshiishka ay wada gaareen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta.

Warar Keydmedia Online
Puntland oo soo dhaweysay heshiiska DF iyo Musharixiinta

GAROWE, Soomaaliya – War ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa lagu soo dhaweeyay heshiiskii ay xalay magaalada Mugdisho ku kala saxiixdeen Sii-hayaha xilaka Ra’iisul Wasaaraha Rooble ‘Rogane’ iyo Golaha Midowga Musharixiinta.

“Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa heshiishka ay wada gareen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta xalay oo tariikhdu ahayd 25 Feb 2021-ka”. ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Puntland.

Maamulka uu Deni hoggaamiyo ayaa sidoo kale soo dhaweeyay in XFS ay ka garaawday rabshadihii Xamar ka  dhacay Jimcihii hore.

“Waxay soo dhawaynaysaa in DFS ay garawsatay masuuliyadda wixii ka dhacay Mogadishu, 19kii Feb, ayna ogolaatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo.”. ayaa lagu yiri warka.

Puntland waxa ay Dowladda uu waqtigu ka dhamaaday ugu baaqday in ay xalliso caqabada dhiman ee hor aagay Shir Wadatashi oo loo dhanyahay.

“Dowladda Puntland waxay ka rajaynaysaa Dowladda Federaalka ah dhameystirka wax ka qabashada caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhameystirayo arrimaha muranku ka jiray, si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar ogol ah, waafaqsanna heshiiskii 17 September, habraacyadii lagu heshiiyey iyo Dastuurka ku meel gaar ka ah. ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Maamulka Puntland.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.