Puntland oo ku adkaysanaysa go’aankeeda Shirka Garoowe

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa lagu eedeeyay inay caqabad ku yihiin heshiis laga gaaro khilaafka doorashooyinka dalka.

Warar Keydmedia Online
Puntland oo ku adkaysanaysa go’aankeeda Shirka Garoowe

GAROOWE, Puntland - Maamulka Puntland ayaa ku adkaysanaya go'aankiisa in Shirka Farmaajo ku baaqey in la isagu yimaado 15-ka bishan magaaladda Garoowe loo wareejiyo Muqdisho.

Sababaha ay Puntland u cuskatay diidmadda ayay ku sheegtay in ay tahay in la ballaariyo gogosha, madaama Hay’adda Dastuuriga ah ee DFS wakhtigoodu dhammaaday, Shirkuna u baahanyahay wakhti badan in la geliyo, Saamileyda Siyaasadda, Beesha Caalamka iyo dhammaan dhinacyada ay khuseysona ay halkaasi wada joogaan.

Jubbaland ayaa taageertay go'aanka Puntland, iyadoo soo jeedisay in Muqdisho lagu qabto, oo lagu casuumo dhamaan saamileyda, oo ay ku jiraan bulshadda rayidka iyo musharixiinta mucaaradka ee ku sugan Caasimadda.

Shirka oo ka dhiman 4 maalmood waqtigii loo mudeeyay in la qabto ayaa noqday isku tuur-tuur, oo Muqdisho iyo Garoowe u dhaxeeya, waxaana suurta-gal ah in Farmaajo uu bedelo mowqifkiisa oo ogolaado Caasimadda la lagu kulmo/

Musharixiinta waxay doonayaan in Farmaajo uu kasoo qeybgalo isagoo Musharax ah Shirka maadaama mudo-xileedkiisa sharciga ah u dhamaadey 8-dii bishan, islamarkaana uusan dalka ka ahayn hadda Madaxweyne xasaanad leh.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.