Puntland oo xubno Al-Shabaab ah qabatay

Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad goboleedka Puntland ayaa howlgal ay sameeyeen waxay ku soo qab-qabteen xubno ay ku sheegeen in ay kamid yihiin Al-Shabaab 

Warar Keydmedia Online
Puntland oo xubno Al-Shabaab ah qabatay

CALMADOW, Soomaaliya - Ciidamada PSF-ta Puntland ayaa howlgal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ka fuliyay degaanka Ceel Onkod ee buuraha Cal Madow ee Gobolka Bari.

Hawlgalka ayaa Saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen in ujeedkiisa uu yahay sidii loo afjari lahaa  xubno ka tirsan  Al-Shabaab oo miinooyin iyo qaraxyo ku aasa wadada isku xirta Sugure, Balikhadar iyo buuraha Galgala ee gobolka Bari.

Saraakiishan ayaa sheegay in Howlgalka intii uu socday ay ciidamadu u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan xubno lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, waxaana howlgalka uu ku soo dhammaady sidii loogu talo galay.

Maalmihii u dambeeyay ayey ciidamada PSF ee Puntland waxay wadeen dhaqdhaqaayo ay sheegeen in ay ku baacsanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo ku howlan falal amni darro oo ay ka geystaan magaalada Boosaaso. Waxayna baaritaano ka wadeen waddooyinka iyo xaafadaha magaalada Boosaaso

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.