Puntland: Xildhibaano cusub oo la dhaariyay

Golaha wakiilada dowlad goboleedka Puntland ayaa horay xasaanaddii uga qaaday Xildhibaano ka tirsan golaha aqalka wakiilada ee Puntland.

Warar Keydmedia Online
Puntland: Xildhibaano cusub oo la dhaariyay

GAROWE, Soomaaliya - Baarlamaanka Puntland ayaa maanta lagu hor dhaariyay 8 xildhibaan oo cusub oo lagu baddelay Xildhibaanadii horay xasaanadda looga qaaday.

Magacyada 8 xubnood ee cusub oo mid kamid ah ay haween tahay ayaa waxay kala yihiin sidan:

  1. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Yuusuf ( Afgaduud)
  2. Xildhibaan Maxamed Cabdi Faarax
  3. Xildhibaanad Maryan Cismaan Axmed Fangase

  4. Xildhibaan Faarax Sulub Jaamac

  5. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Saalax ( Abuu baraa)

  6. Xildhibaan Cabdicasiis Xuseen Maxamuud ( Garagoos)

  7. Xildhibaan Cabdiqani Nuur Faarax Muuse

  8. Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Gurey Mirood

Xildhibaanada markii la dhaariyay kaddib ayey Baarlamaanka Puntland waxay gudo galeen inay qodob-qodob uga doodaan Xeerka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha dowlad goboleedka Puntland oo ka kooban 36 qodob. Waxayna Baarlamaanku ay yeesheen fadhiga 25 -aad ee Kalfadhiga 47-aad.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.