Raaf ka socda Boosaaso: Faroole iyo Sirdoon Ethopian ah oo Odayaal iyo Ganacsato ku xirxiray…....

Boosaaso (Keydmedia) - Ciidamada daacada u ah C.Raxmaan Faroole, hogaamiyaha maamulka gobalka Bari ayaa waxa ay qaqabasho si xowli ah ku socota ku wadaan odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo ganacsatada ku sugan qeybo kamid ah deegaanada uu Faroole maamulo.
Warar Keydmedia Online

Maanta oo kali ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaa lagu xiray 30 ruux oo isugu jira ganacsato iyo odayaal dhaqamedyo si heer sare ah looga yaqaan Boosaaso iyo guud ahaan gobalka Bari.

Waxa ay ku eedeynayaan maamulka Faroole in odayaasha iyo ganacsatadu ay dagaalla hurinayaan, hasa yeeshee dad xog ogaal ah waxa ay xaqiijinayaan in Faroole uu ganacsatada lacago xad dhaaf ah weydiistay oo ay kadhega adeygeen, kadibna uu odayasha uga diray in ay kasoo qaadaan, laakiin odayaashuna ay ku cuslaatay in ay ku dhiiradaan in ay ganacsatada lacagaha Faroole doonayo ay kadoonaan taas oo ah tan ka danbeysa xarigooda.

Shalay waxaa sidaan oo kale odayal iyo ganacsato lagu xiray isla magaladaasi, iyada oo Isniintiina 20 dhalinyara ah lagu xirxiray Boosaaso, waxaana shacabka ku nool deegaanada Faroole uu hogaamiyaha kay ahay ay ku dheka faarsanyihiin dhaqan xumada maamulkiisa.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.