Qarax ajaaniib lala eegtay oo ka dhacay Muqdisho

Dadka goobjooga ahaa ayaa sheegay inay arkayeen Gaari NOAH ah oo qaraxa haleelay, kaasoo ay wateen Muwaadiniin u dhashy dalka Turkiga.

Warar Keydmedia Online
Qarax ajaaniib lala eegtay oo ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah Muqdisho, ayaa Galabta ka dhacay degmada Hodon, kaasoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay.

Goobjooge la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay inay arkayeen Gaari NOAH ah oo qaraxa haleelay, kaasoo ay wateen Muwaadiniin u dhashy dalka Turkiga. Lama oga sida ay wax u gaareen.

Wuxuu ahaa Miino jidka dhiniciisa la dhigay, oo lala eegtay Gaariga, waxaana xiligaas goobtu ahayd mid mashquul ah, oo dad badan hareerarha socdeen, halka kuwa kale baabuur saarnaayeen.

Ma jirto cid sheegatay, balse falalka noocan ah ayaa waxaa looga bartay Kooxda Al-Shabaab, oo dhawaan kordhisay weerarada si ay u carqaladeyso doorashooyinka ka socda Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.