Qarax Al-Shabaab oo kusii jeeday Muqdisho oo la qabtay

Kooxda ayaa kordhisay weerarada Muqdisho, iyadoo la kordhiyay heerka feejignaanta magaaladda, oo wadooyinkeeda lasoo dhigay Ciidan dheeraad ah.

Warar Keydmedia Online
Qarax Al-Shabaab oo kusii jeeday Muqdisho oo la qabtay

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxay booliska Soomaaliya, qeybta la dagaalanka Argagaxisadda ku qabteen degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha Hoose Qarax weyn oo saarnaa mooto Bajaaj.

Afhayeenka booliska Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in Ciidanka sidoo kale gacanta ku dhigeen labadii nin ee wadey Qaraxyada, oo ahaa miinooyin la rabey in Caasimadda lasoo geliyo.

Kooxda ayaa kordhisay weerarada Muqdisho, iyadoo la kordhiyay heerka feejignaanta magaaladda, oo wadooyinkeeda lasoo dhigay Ciidan dheeraad ah.

Mootada ayaa la sheegay inay cilad ku timid, oo jidka iyadoo fadhisa Ciidanka ay ka shakiyeen, waxaana markii la baarey laga helay qeybta dambe Qaraxyo diyaarsan, oo Muqdisho loo wadey.

Al-Shabaab ayaa xoogeeda isagu geynayso hadda Muqdisho, oo qaraxyo iyo dilal ka fulinayso, si ay dowladda uga mashquuliso dagaalka gobollada Dhexe, oo Kooxda jab xoog leh kasoo gaarey.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.