Qarax gilgiley Beledweyne kahor safarka Fahad Yaasiin

Qaraxa ayaa imaanaya kahor doorashadda kuraasta 25-ka Xildhibaan ee ka imaanaya gobolka Hiiraan, kuwaasoo mid kamida Fahad uu rabo inuu boobo.

Warar Keydmedia Online
Qarax gilgiley Beledweyne kahor safarka Fahad Yaasiin

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Qarax weyn ayaa ka dhacay gudaha Beledweyne, ee Caasimadda gobolka Hiiraan, kaasoo lagu soo beegay xili xasaasi ah oo doorasho ka dhacayso.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa laga maqlay maqaaxi ku taalla aaga Lama-Galaay, oo ay degan yihiin militeriga dalka, halkaasoo sidoo kale ka dhaw xarunta maamulka degmada.

Goobjooge ayaa u sheegay KON in qaraxa uu ahaa mid culus, oo xigtay rasaas badan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu ahaa Is-miidaamin, inkasoo weli la xaqiijin nooca.

Qaraxa ayaa imaanaya kahor doorashadda kuraasta 25-ka Xildhibaan ee ka imaanaya gobolka Hiiraan, kuwaasoo mid kamida HOP86 Fahad Yaasiin uu rabo inuu boobo.

La taliyaha Amniga qaranka MW hore Farmaajo Fahad Yaasiin, ayaa ku sii jeeda Beledweyne, waxaana la adkeeyey Amniga guud ahaan Magaaladda, gaar ahaan Garoonka Ugaas Khaliif.

Wixii kusoo kordha, kala soco bogga Keydmedia.net.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.