Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus oo Is-miidaamin ah ayaa ka dhacay goordhaw nawaaxiga degaanka Xaawo Cabdi, kaasoo lala eegtay Injineer Turki ah oo dhisayay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa la sheegay inuu beegsadey Koox Injineero ah oo ku howlanaa dhismaha jidka, waxaana ka dhashay qaraxa khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Lama oga tirada dadka ku dhintay weerarka, oo noqonaya qaraxii labaad oo tan iyo shalay ka dhacay Soomaaliya sanadka cusub.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.