Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Qaraxa ayaa dhacay xili mashquul badan wadada, oo Ciidamada booliska baarayeen gaadiidka aada dhanka Madaxtooyadda Villa Somalia.

Warar Keydmedia Online
Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax is-miidaamin ah ayaa ka dhacay saakay Isgoyska Ceel-Gaabta, ee magaaladda Muqdisho, kaasoo geystay khsaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Booliska DF ayaa sheegay in qof naftiis halige ah uu isku qarxiyay jidka dhexdiisa, waxaana uu galaaftay nolosha dhowr qof oo shacab ah, kuwaasoo marayay wadada xiliga qaraxa.

Qaraxa ayaa lala eegtay Ciidamo ilaalinayay Goob doorasho ka socota gudaha xerada Jen Kaahiye, oo Maanta lagu dooranayay shan kursi oo kamid ah kuwa Somaliland.

Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashadda Baarlamaanka, iyadoo shalay ay hoobiyeyaal ay ku dhinteen afar qof ku tuurtay Baraawe.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.