Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Baydhabo

Waxaa ku dhintay weerarka saddex qof, oo labo kamid ah ay shacab ahaayeen.

Warar Keydmedia Online

BAYDHABO, Soomaaliya - Cali Wardheere Dhaayow oo ah gudoomiyaha gobolka Baay ayaa ka badbaaday qarax ismiidaamin ah oo goordhaw lagula eegtay magaaladda Baydhabo.

Goobjooge la hadlay KON ayaa sheegay in qaraxa uu fuliyay qof isku soo xiray walxo qarxa, kaasoo gudoomiye Cali ku weeraray meel uu fadhiyay oo ku taalla Suuaqa Baydhabo.

Saddex qof oo 2 shacab ah iyo askari ilaalada gudoomiyaha kamid ahaa ayaa ku dhimatay qaraxa, oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamida Caasimadda KMG Koonfur Galbeed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.