Qarax ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay

Magaalada Muqdisho oo maalmihii la soo dhaafay nabdooneed ayaa haatan waxaa ku soo badanya qaraxyada Miinooyinka iyo kuwa ismiidaamin ah.

Warar Keydmedia Online
Qarax ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax ismiidaamin ah ayaa goordhaw ka dhacay degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir, gaar ahaan agagaarka Dekadda Muqdisho, sida ay goob-joogayaal u xaqiijiyeen Keydmedia Online.

Qaraxa ayaa fuliyay ruux ismiidaamin ah oo walxaha qarxa isku soo xiray, kaasoo bartil-maameedsaday dad weyne ka cunteynayay Maqaayad lagu magacaabo Luul Yemeni oo ku taallo agagaarka Dekadda Muqdisho.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in dad dhaawacyo qabo goobta laga qaaday, wallow aan khasaaraha rasmi ah xog laga heynin.

Wixii ku soo kordho Keymedia Online kala soco.

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.