Qarax ka dhacay Beledweyne

Qaraxa wuxuu dhacay xili ay dad badan usoo daawasho tageen ciyaar ka dhacaysay Garoonka oo dhawaan ay booqatay duqa cusub ee magaaladda Beledweyne.

Warar Keydmedia Online

Qarax miino ayaa ka dhacay galabta afaafka Garoonka Kubada Cagta ee magaaladda Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qarax oo ahaa miid dhulka lagu aasay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 5 qof, halka 7 kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasoo la dhigay Isbitaalka guud, sida ay saraakiisha sheegeen.

Lama oga cida miinada ku aastay irida Garoonka, balse Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay, maadaama looga bartay weerarada argagaxiso ee ka dhaca Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.