Qarax ka dhacay Kismaayo iyo wararkii ugu dambeeyay

Sarkaal katirsan Ciidanka amniga maamulka Jubbaland ayaa lala damacsanaa qaraxa in lagu qaarijiyo, waxaana lagu soo waramayaa in weerar uu geystay khasaarooyin kala duwan.

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay Kismaayo iyo wararkii ugu dambeeyay

KISMAAYO, Soomaaliya - Dhowr qof ayaa ku dhintay, kuna dhaawacmay qarax xalay ka dhacay gudaha magaalaada Kismaayo, kaasoo lala eegtay Guriga Sarkaal kamid ah laamaha amniga maamulka Axmed Madoobe, sida goobgoojiyaal ay sheegeen.

Weerarka ayaa ka dhacay Xaafadda Kibooro, oo kamid ah meelaha sida aadka uga dhacaan dilalka iyo qaraxyada magaaladda Kismaayo, waxaana kasoo baxaya khasaaraha warar kala duwan.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in dhowr qof ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen qaraxa, oo loo maleynayo inay ka dambeeyeen xoogaga Al-Shabaab, ee dagaalka kawada dalka Soomaaliya.

Xili habeen ah, oo dadka hurdayeen ayuu qaraxa dhacay, walina lama oga inta ku dhimatay ama ku dhaawacmay, waxaana saakay socda howgallo ay sameynayaan Ciidanka Jubbaland," ayuu yiro goobooge KON la hadlay.

Maamulka Axmed Madoobe aya aka talinayay Kismaayo tan iyo 2012, waxaana uu ku fashilmay inuu xaliyo magaaladda, islamarkaana uu ka saaro Al-Shabaab Jubbooyinka, oo ah meesha xalshigga u ah hogaamiyeyaasha Kooxda.

Ciidanka Kenya ayuu Axmed Madoobe ku qabsadey Kismaayo, kuwaasoo illaa hadda isaga iyo mamaulkiisa halkaasi ku ilaaliyo, waxaana magaaladda ay Malleeshiyaadka Raas Kambooni ka geysteen dilal, kufsi, dhac iyo barakin ay ku sameeyeen dadkii degaanka, oo qaab qabiil loo beegsaday.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.