Qarax ka dhacay magaalada Baydhabo

Qarax xooggan ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo ee magaalo madaxda gobolka Bay, waxaana la soo warinayaa qasaaro lixaad leh.

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay magaalada Baydhabo

BAYDHABO, Soomaaliya -  Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya inuu halkaa ka dhacay qarax sababay qasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Qaraxa oo aha nuuca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago ayaa la dhigay maqaaxi ku taalla Suuqa Qaadka ee Magaalada Baydhabo.

Waxaa la xaqiijiyay geerida saddex ruux, iyo dhaawac 10 qof ku dhow oo la geeyay Isbitaalka weyn ee magaalada.

Sida ay xaqiijinyaan goob joogayaal ku sugan Baydhabo, ciidamada ammaanka oo soo gaaray goobta wax ka dhaceen ayaa helin qofkii qaraxa fuliyay, mana jiro wax hadal oo ilaa hadda ka soo baxay laamaga ammaanka ee Koofur Galbeed.

Magaalada Baydhabo ayaa maalmahaan si is daba joog ah u marti galineysay qaraxo u badan miinooyinkaa dhulka lagu aaso kuwaas oo sababayay qasaaro xooggan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.