Qarax ka dhacay meel u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya

Qarax loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ayaa lagu dilay afar askari oo Ciidanka Kenya kamid ahaa, kuwaasoo lagu weeraray meel u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay meel u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya

KISMAAYO, Soomaaliya - Ugu yaraan afar askari oo katirsan millatariga Kenya ayaa lagu dilay tiro kalane waa lagu dhaawacay qarax ka dhacay meel u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya

Qarax ayaa lala bartilmaameedsaday Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyagoo ku safraya wadada isku xirta Taabta iyo Dhoobley.

“Wali waan aruurineynaa macluumaadka, ilaa iyo hada, waxaan helnay warbixin xaqiijineysa dhimashada afar askari oo lagu dilay weerarka. Dhaawacyadu waxay gaari karaan sideed askari," ayaa lagu yiri war kasoo baxay Militeriga Kenya.

Qoraalka waxaa sido kale lagu sheegay in askarta soo gaarey dhaawacyada halista ah loo qaaday magaalada Nairobi, ee Caasimadda Wadanka Kenya si loogu soo daweeyo.

Weerarka ayaa ku soo aadaya 5 maalin kahor sanad-guuradii shanaad ee weerarkii saldhigga Ciidamada Kenya ee deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo, kaasoo dhacay January 15, 2016.

Weerarka Ceel-Cadde ayaa lagu dilay in ka badan 140 askari, wuxuuna noqday midkii ugu khasaaraha badnaa oo lagu qaado Ciidanka Kenya tan iyo markii ay soo galeen dalka 2011.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.