Qarax ka dhacay Muqdisho

Xaaladda Goobta ayaa kacsan, iyadoo Ciidamo horleh ay gaareey, waxaana hakad galay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha wadada.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax miino ayaa ka dhacay laamiga dhexmara Xaafadda Buula-Xuubey ee degmada Wadajir, gobolka Banaadir, kaasoo lala eegtay Ciidanka dowladda.

Goobjooge ayaa u sheegay Keydmedia in qaraxa uu ahaa mid xooggan, oo gilgiley guryaha ku dhaw, iyadoo la maqlay rasaas culus oo booliska ridayeen.

Goobta waa meel Booliska ay uga qaadaan gaadiidka Mooto-bajaajta lacag canshuur ah.

Wixii kusoo kordha khasaaraha qaraxa Muqdisho, kala soco wararkeena dambe.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.