Qarax ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Qaraxa ayaa imaanaya xili UNSOM ay digniin kasoo saartey weeraro argagaxiso oo kuwoo wajahan Caasimadda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xoog leh ayaa Maanta ka dhacay Xaafadda Howlwadaag, ee magaaladda Muqdisho kaasoo ay kasoo baxayaan fahfaahino dheeraad ah oo isa soo taraya.

Goobjooge la hadlay KON ayaa sheegay in dhawaqa qaraxa laga maqlay meelo kala duwan oo degmada kamid ah, iyadoo illaa hadda aan la ogeyn nooca uu yahay iyo khasaaraha.

Qarax ayaa hadda ka dhacay suuqa Bakaaraha gaar ahaan Isgoyska Bulaalayaasha iyo inta u dhexeysa Boosteejada baabuurta aada gobolka Hiiran," ayuu yiri Goobjoogaha.

Qaraxa ayaa imaanaya xili UNSOM ay ka digtay weeraro argagaxiso oo kuwoo wajahan Caasimadda wadanka, iyadoo dadka shacabka ah lagula taliyay inay taxadar muujiyaan.

Bishan, Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada qaraxyada ah, waxaana midka maanta dhacay uu noqonayaa kii 6aad, iyadoo jiraan dilal qorsheysan oo si joogto ah uga dhaca magaaladda.

KEYDEMDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.