Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyay

Waxaa Muqdisho kusoo kordhay sanadkan cusub qaraxyada iyo dilalka joogtada ah, oo Al-Shabaab ku beegsanayso dadka u shaqeeya dowladda iyo Ciidamada.

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax miino ayaa ka dhacay saaka Xaafadda Jamhuuriya ee Kaaraan, oo katirsan waqooyiga Muqdisho, kaasoo lala eegtay taliyaha booliska degmada.

Taliyaha oo lagu magacaabo Gaashaanle Salaad Caraale ayaa ka badbaadey qaraxa oo burburiyay Gaari booliska oo uu watey, balse shacab jidka marayaya ayaa ku dhaawacmay.

Ciidamo badan, ayaa gaarey goobta qaraxa kadib, waxayna sameeyeen howlgal, inkastoo aan jirin cid loo soo qabtay weerarka. Ma jirto cid sheeatay mas'uuliyadda falkan argagxiso.

Waxaa Muqdisho kusoo kordhay sanadkan qaraxyo iyo dilalka joogtada ah, oo Al-Shabaab ku beegsanayso dadka u shaqeeya dowladda iyo askarta kadib markii amniga xumaaday.

Mas'uuliyadda amniga ayaa la dayacay, iyadoo wasiirkii amniga C/llaahi Maxamed Nuur ku mashquulay arrimaha siyaasadda iyo dagaalka Ra'iisul wasaare Rooble iyo MD hore Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.