Qarax ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda Soomaaliya

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qeybo kamid ah Caasimadda, waxaana kasoo baxayay warar kala duwan Khasaaraha ka dhashay.

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax ayaa Caawa ka dhacay Isgoyska Ceel-Gaabta ee magaaladda Muqdisho, kaasoo ku dhaw xarunta Madaxtooyadda Villa Somalia.

Goobjooge la hadlay Keymedia Online ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay Miino wadada dhinaceeda lagu aasay, taasoo lala beegsadey Gaari uu watay Sarkaal katirsan dowladda, oo aan magaciisa wali la sheegin.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaarey Ciidanka ilaaladda Madaxtooyadda, ee loo yaqaano Koofi-gaduudka kuwaasoo hakad geliyay gaadiidka dadweynaha mudo daqiiqado ah, iyagoo markii dambe furay.

Illaa hadda laamaha amniga ma shaacin Khasaaraha ka dhashay qaraxa.

Wali ma jirto cid sheegatay qaraxa Caawa oo noqonaya midkii ugu dambeeyay silsiladda weeraro ah oo ka dhacaya magaaladda xili Ciidanka dowladda ay fadhiyaan jidadka, islamarkaana sameeyaan baaritaanno Gaadiidka gaarka loo leeyahay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.