Qarax ka dhacay nawaaxiga Villa Somalia

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah Caasimadda abaare 9:00 am xili subax ah oo dadka shaqooyinka u ordayeen.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus oo rasaas daba socotay ayaa goordhaw ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Madaxtooyadda Villa Somalia.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah Caasimadda abaare 9:00 am xili subax ah oo dadka shaqooyinka u ordayeen.

Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray oo xoog uga gudbay barkoontarool oo ku taalla afaafka Hotel Wehliye, iyadoo rasaas ay ku fureen Ciidanka ay keentay inuu ku qarxo bartakoontarool ee Isgoyska Sayidka.

Lama oga khasaaraha illaa hadda.

Wixii kusoo kordha, kala soco KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.