Qarax ka dhacay Qansaxdheere

Dadka ku dhintay qaraxa waxaa kamid ah nin hay'ad u shaqeynayay iyo gudoomiye ku xigeenka degmada, iyadoo ay dhaawacmeen tiro kale oo Isbitaalka la dhigay.

Warar Keydmedia Online

QANSAXDHEERE, Soomaaliya - Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay oo ay ku jiraan gudoomiye ku xigeen iyo nin u shaqeeya hay'ad samafal, tiro kalena way ku dhaawacmeen qarax culus oo Maanta ka dhacay degamda Qansaxdheere, ee gobolka Baay.

Sarkaal Booliska katirsan ayaa Keydmedia Online u xaqiijiyay in qaraxa uu ka dhacay walxo qarxa oo lagu xiray gaariga gudoomiyaha degmada, kaasoo ku qarxay meel aan ka fogeyn xarunta Maamulka. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.