Qarax ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Kolonyada Militeriga ayaa saakay kasoo baxday degmada Jalalaqsi, ee gobolka Hiiraan, iyadoo ay kusoo jeeday magaaladda Muqdisho, sida ay sheegeen Saraakiisha militeriga.

Warar Keydmedia Online

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Inta la xaqiijiyay afar askari oo kamid ahaa Ciidanka xoogga dalka ayaa ku geeriyoodey, qaar kalena way ku dhaawacmeen qarax miino oo Maanta lagula eegtay inta u dhaxaysa degaanada Biyo-Cadde iyo Ceel-Baraf, oo kawada tirsan Shabeellaha Dhexe.

Qaraxa ayaa burburiyay mid kamid ah gaadiidka Ciidanka, iyadoo taasi dhalisay khasaaraha soo gaarey askartii saarnayd, waxaana goobta gurmad ahaan u tagey Ciidamo ka baxay Jalalaqsi oo meydadka iyo dhaawacyada halkaasi kasoo qaadey.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.