Qarax ka dhacay Suuqa Bakaaraha

Tiro dad ah ayaa ku geeriyootay in kalena way ku dhaawacmeen Qarax goor dhaw ka dhaca gudaha Suuqa Bakaaraha.

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay Suuqa Bakaaraha

MUQDISHO, Soomaaliya - Khasaare xooggan ayaa ka dhashay Qarax Maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Goobjooge ayaa u sheegay Keydmedia Online in ugu yaraan 6 ruux ay ku dhaawacmeen Qarax oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan meel ku dhaw Bangiga Salaam Somali Bank.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya nooca Qaraxa, iyadoo Macluumaadka qaar ay sheegayaan inuu ka dhashay Haan Gas oo taalla xarun Ganacsi oo lagu magacaabo Waayo-Arag Electronics.

Wixii kusoo kordha, kala soco Wararka dambe ee KON.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.